Waxa la soo afjaray kulamadii wareega Group-yada tartanka Koobka Africa ee ka socda dalka Morocco.
Waxa la ogaaday 16-kii xul ee u gudbay wareega xiga ee tartanka iyada oo xulal waaweyn xaqiijisteen booskooda wareega xiga.
Kadib dhamaadkii wareega Group-yada ee tartanka koobka Africa waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee tartanka koobka Africa.
Xulka Morocco ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 2 xiddig kadib wacdarihii ay dhigeen.
Xulalka Ivory Coast, Senegal, Algeria, Nigeria, Cameroon, Tunisia, Burkina Faso, DR Congo Iyo masar ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.
Be the first to comment