Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamada todobaadka 29-aad ee horyaalka Premier League oo la ciyaaray jimcihii,sabtidii Iyo Axadii.

Kooxaha Man City Iyo Arsenal ayaa guulo isugu jawaabay iyaga oo wali sii wada tartanka horyaalka premier League.

Liverpool Iyo Man United ayaa dhinacooda badiyay xilli ay ku tartamayaan kaalmaha Champions League soo socda.

Dhinaca kale Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Arsenal iyada oo dib ugu dhacday kaalinta 6-aad.

Kadib kulamada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican premier League todobaadkan.

Kooxaha Brentford, Everton Iyo Arsenal ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kadib guuloohoodii muhiimka ahaa.

Dhinaca kale kooxaha Fulham, Man City, Liverpool, Man United Iyo Wolves ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

graphic of team of the week

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga