Shaxda Ugu Fiican Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray todobaadkii 30-aad ee premier League iyada oo kooxo badan heleen wixii ay doonayeen.

Arsenal Iyo Man United ayaa badiyay waana labada kaliya ee badiyay 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier League.

Liverpool Iyo Man City ayaa dhibco ku lumiyay West Ham Iyo Tottenham iyaga oo sii wada dhibaatadoodii xilli ciyaareedkan.

Kooxda Chelsea ayaa dhabarka loo saaray guuldaro kale kadib markii ay Newcastle ku garaacday garoonkeeda.

Kadib kulamada la ciyaaray BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Kooxda Newcastle United ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh min 2 xiddig.

Liverpool Iyo Arsenal ayaa shaxda ku leh min 2 xiddiga halka kooxaha Tottenham, Brighton, Man United Iyo West Ham ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Troy's TOTW: Ramsdale, Szobozslai, Saliba, Mavropanos, Bijol; Milner, Willock, Fernandes; Ngumoha, Dowman, Gordon

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga