Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa laga yaabaa inuu ka maqnaado Diogo Jota kulanka Premier League ee ay u safrayaan Brentford.
Reds ayaa isku diyaarinaysa safar kale oo adag oo ay marti tahay premier League iyada oo aan guul gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambaysay premier League.
Xiddigaha Jota iyo Kostas Tsimikas oo badal ku soo galay kulankii Nottingham Forest ayaa bar-baro u keenay kooxda Liverpool.
Si kasta ha ahaatee Jota ayuu shaki ku jiraa in uu taam u noqdo kulanka Brentford maadama uuna ka qayb ahayn tababarkii ugu dambeeyay.
Darwin Nunez ayaa ku soo laabanaya kooxda kadib markii uu ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay waxana la filayaa in uu hogaamiyo weerarka kooxda.
Diaz ayaa dhinaciisa seegay tababarkii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha xanuun dhinaca cunaha ah.
Halkan Kaga Bogo shaxda suurtagalka ah ee kulanka:
Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Mac Allister, Gravenberch; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Diaz
Be the first to comment