Shaxda Ay Real Madrid Kaga Hor Tagi Karto Ac Milan.

Rafael Leao ayaa ku soo bilaaban doona kulanka AC Milan ay wajahayaan Real Madrid kulan ka tirsan tartanka miisaanka culus ee Champions League.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa kursiga keydka fadhiyay labadii kulan ee ugu danbeysay, lakiin tababaraha Milan Paulo Fonseca ayaa ku xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka in Leao uu ku lug lahaan doono kulanka Madrid.

Ismael Bennacer iyo Alessandro Florenzi ayaa weli maqan, halka Alvaro Morata lagu ganaaxi doono hal kulan haddii uu qaato kaarka jaalaha marka uu ku laabto kooxdiisii ​​hore.

Dhanka Real Madrid, ma jiraan wax dhaawac cusub ah oo uu ka welwelayo Carlo Ancelotti.

Rodrygo ayaa weli ka maqnaan doona kooxda sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah halka uu Thibaut Courtois seegi doono kulanka sabab la xidhiidha dhaawaca

Dani Carvajal iyo David Alaba ayaa weli wajahaya waqti dheer oo dhanka garoomada ah.

Ancelotti uma badna inuu isbedel muuqda sameeyo, inkastoo ay El Clasico guuldaro weyn kala kulmeen Barcelona.

Luka Modric ayaa ah dookh uu ku soo bilaaban karo khadka dhexe, laakiin waxa la yaab noqon doonta haddii ay boosaskooda lumiyaan xiddigaha Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni.

Real Madrid XI: Lunin; Vazquez, Militao, Rudiger, Mendy; Valverde, Camavinga, Tchouameni, Bellingham; Mbappe, Vinicius

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga