
Manchester United ayaa weyn doonta Amad Diallo kulanka Ay la ciyaari doonto kooxda Tottenham kulan ka premier league.
United ayaa 2-1 ku garaacday Leicester kulankii ugu dambeeyay ee FA Cup, waxaana tan iyo markaas la siiyay fasax dheeri ah, inkastoo taasi aysan ka caawinin Ruben Amorim inuu xoojiyo dookhyadiisa.
Amad ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray tababarka, waxaana wararku sheegayaan inuu maqnaan karo inta ka dhiman xilli ciyaareedka, taasoo dhabarjab weyn ku ah Amorim.
Kobbie Mainoo, Manuel Ugarte iyo Toby Collyer ayaa sidoo kale dhibaatooyin Soo gaadheen waxana uu Amorim wajahayaa dookh yaraan dhinaca khadka dhexe.
Lisandro Martinez ayaa wajahaya muddo dheer oo uu garoomada ka maqnaanayo sababtoo ah dhaawac jilibka ah oo halis ah, halka Luke Shaw uu wali dhaawacanyahay
Mason Mount iyo Jonny Evans ayaa sidoo kale dhaawacan.
Alejandro Garnacho ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto line-upka, isagoo ku soo bilowday kursiga keydka kulankii Leicester.
Saxiixa cusub ee suuqa January Patrick Dorgu ayaa laga yaabaa in uu ku bilowdo kulankiisii ugu horeeyay.
Shaxda Ay United ku ciyaari karto kanka:.
Onana; Yoro, Maguire, Mazraoui; Dalot, Eriksen, Casemiro, Dorgu; Fernandes, Garnacho, Hojlund.
Be the first to comment