Manchester United ayaa soo dhaweyn doonta Everton garoonka Old Trafford iyagoo rajeynaya inay ku sii dhawaanayaan boosaska Yurub. Ka dib bilow aad u liita oo xilli-ciyaareedkan ah, Ruben Amorim ayaa sameeyay isbeddel cajiib ah, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta tababaraha bisha October kaddib saddex guul oo xiriir ah.
United waxay ku bilaabeen bishii November barbaro ay la galeen Nottingham Forest iyo Tottenham.
Everton waxay si aan degganayn ugu bilaabeen xilli-ciyaareedka waxayna la daalaa dhacayaan inay goolal dhaliyaan, balse waxay 2-0 kaga badiyeen Fulham garoonka Hill Dickinson Stadium ka hor fasaxa caalamiga ah.
Hal kulan ayay ku guuleysteen meel ka baxsan gurigooda xilli-ciyaareedkan oo dhan – taas oo ahayd Wolverhampton Wanderers.
Marka laga hadlayo wararka kooxda, Benjamin Sesko ayaa dhaawac ku seegaya kulanka halka Harry Maguire uu seegi doono lanka kadib markii uu dhaawac ku seegay tababarkii jimcihii.
Kobbie Mainoo ayaa la filayaa in uu ka qayb ahaado kulanka kadib markii uu tababar buuxda qaatay sabtdii.

Be the first to comment