
Ruben Amorim ayaa xaqiijiyay in Chido Odi uu tartan ugu jiro inuu ka hor kooxdiisii hore ee Arsenal garoonka Old Trafford Axada.
Odi ayaan ciyaarin kulankii Real Sociedad ee Europa League laakiin waxa uu haatan u tartamayaa in uu ciyaaro kulanka Arsenal.
17 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ka tagay Arsenal xagaagii hore isagoo ku biiray Manchester United.
Patrick Dorgu ayaa seegaya kulanka sabab la xidhidha ganaax kadib kaadhkii casaa ee kulankii Ipswich.
Harry Maguire iyo Manuel Ugarte ayaa seegay bar-barihii ay la galeen kooxda Real Sociedad bartamihii todobaadkii hore shaki ayaana ku jira.
Luke Shaw, Mason Mount, Altay Bayindir, Lisandro Martinez, Amad Diallo, Tom Heaton, Jonny Evans iyo Kobbie Mainoo ayaa dhamaantood seegi doona kulanka sabab la xidhiidha dhaawac.
Shaxda Ay Man United Kaga Hor Tagi Karto Arsenal:
Onana; De Ligt, Lindelof, Yoro; Mazraoui, Casemiro, Fernandes, Dalot; Garnacho, Zirkzee; Hojlund
Be the first to comment