Manchester City weli waxay ku jirtaa dhibaato culus oo dhanka dhaawacyada ah, ka hor kulan Champions League ah oo ay khasab ku tahay inay badiso kana dhan ah Galatasaray.
Kooxda Pep Guardiola ayaa weysay saddex ka mid ah daafacyadeeda dhexe ee muhiimka ah sababo la xiriira dhaawacyo waqti dheer ah — John Stones, Josko Gvardiol iyo Ruben Dias — taasoo ka dhigtay City inay si weyn u yaraato dhanka wadnaha difaaca.
Abdukodir Khusanov iyo Nathan Aké ayaa ahaa labada ikhtiyaar ee waaweyn ee kaliya ee beddel ahaan loo heli karo, halka da’yarka Max Alleyne dib looga soo celiyay amaahdiisii Watford.
Arrintaas ayaa ku kalliftay City inay si degdeg ah suuqa kala iibsiga ugu dhaqaaqdo si ay ula soo saxiixato Marc Guéhi £20 milyan, hase yeeshee xulka England-ka ah laguma dari karo liiska Manchester City ee Champions League ilaa wareegyada bug-baxa . Sidoo kale xaaladdaas oo kale ayaa khusaysa Antoine Semenyo.
Hadda, Manchester City waxay u baahan tahay guul si ay uga caawiso inay u gudubto wareegyada bug-baxa ee tartanka ugu sarreeya Yurub, waxayna la ciyaarayaan Galatasaray kulan aad u muhiim ah oo ka dhacaya garoonka Etihad Stadium, iyagoo og in ay tahay guul ama guuldarro
Ragga Guardiola ayaa ku jira kaalinta 11-aad ee jadwalka, waxayna weli fursad u haystaan inay galaan sideedda sare, balse waxay u baahan yihiin in natiijooyinka kulamada ugu dambeeya ay u dhacaan si ay uga fogaadaan wareeg play-off ah si ay u gaaraan wareegga 16-ka.
Dhanka taam ahaanshaha, Manchester City waxay nasisay xiddigaha Erling Haaland iyo Phil Foden bilowgii kulankii Wolves, balse labaduba waxaa la geliyay ciyaarta qeybtii labaad iyagoo beddel ku soo galay.
Guardiola ayaa sharraxay in Haaland uu daalanaa kaddib kulamadiisii u dambeeyay, isla markaana daqiiqadaha weeraryahanka si taxaddar leh loo maamulayay.
Omar Marmoush ayaa ku bilaabay weerarka halkii Haaland, halka Bernardo Silva iyo Tijjani Reijnders ay ka ciyaareen no.8.
Shaxda Ay Man City Kaga Hor Tagi Karto Galatasaray:
Be the first to comment