Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Wolves.

Liverpool ayaa wajihi doonta Wolves iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigo iyo waliba tababaraha kooxda.

John Heitinga ayaa loo badinayaa inuu hogaamiyo Liverpool kulanka ka dhacaya garoonka Anfield casaankii loo taagay Slot iyo caawiyihiisa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Curtis Jones ayaa sidoo kale seegi doona sabab la xidhiidha casaankii loo taagay kulankii Everton.

Xiddigaha Joe Gomez iyo Tyler Morton ayaa sidoo kale dhaawac ku seegi doona kulanka.

Dhinaca kale waxa uu shaki ku jiraa xiddiga Coday Gakpo kaas oo Laga cabsi qabo in uu Dhaawacmay.

Halkan Kaga bogo shaxda ay Liverpool ku ciyaari karto kulanka.

Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Tsimikas; Mac Allister, Gravenberch; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Diaz

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga