Tababaraha Liverpool, Arne Slot, wuxuu haystaa saddex doorasho oo uu ka fiirsanayo ciyaartoyga uu ka bilaabi doono garabka midig ee difaaca kulanka ka dhanka ah Nottingham Forest.
Kooxda difaacanaysa Premier League ayaa Forest ku soo dhoweyn doona Anfield sabtida, iyagoo rajeynaya inay ka soo kabsadaan guuldaradii ay kala kulmeen Man City ka hor fasaxii caalamiga ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Slot waxaa qasbanaan doona inuu sameeyo ugu yaraan labo isbeddel oo ku saabsan kooxdii ku bilaabatay garoonka Etihad Stadium.
Mid ka mid ah isbeddeladaas ayaa ah garabka midig, maadaama Conor Bradley uu qabo dhaawac muruqa ah intii uu u adeegayay Northern Ireland, isla markaana hadda la filayo inuusan ciyaarin ugu yaraan saddex toddobaad.
Marka laga hadlayo bedelka Bradley, Slot ayaa shaaca ka qaaday in Curtis Jones, Dominik Szoboszlai iyo Joe Gomez ay dhammaantood yihiin doorashooyin.
Badalka kale ayaa noqon doona xiddiga Khadka dhexe ee Florian Wirtz kaas oo dhaawac kala yimid xulka qarankiisa Germany waxana badali doona Cody Gakpo.
Dhinaca kale Alisson Becker ayaa ku soo laabanaya shaxda kadib markii uu seegay 7 kulan sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.
Shaxda Ay Liverpool kaga hor tagi karto Nottingham Forest:
Alisson; Jones, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Isak
Be the first to comment