Liverpool waxay kusoo dhaweyn doontaa Ibrahima Konate inuu dib ugu soo laabto kooxda kulankooda Premier League ee ay Sabtida la ciyaarayaan Newcastle.
Xiddiga reer France ayaa seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii aabbihii geeriyooday, balse Arne Slot ayaa xaqiijiyay in daafaca dhexe uu dib ugu soo laabtay tababarka isla markaana uu diyaar u yahay in lagu soo xusho safka.
Curtis Jones isna wuu soo laaban doonaa kaddib markii uu seegay kulankii Qarabag bartamihii toddobaadka sababo la xiriira xanuun.
Si kastaba ha ahaatee, Joe Gomez, oo dhaawac awgiis looga saaray kulankii ay guuldarada kala kulantay Bournemouth ayaa seegaya kulanka maadama uuna wali ka soo kabsan dhaawacii uu uga baxay kulankaas.
Be the first to comment