Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Iman Karto Tottenham Carabao Cup.

Kooxda Tottenham ayaa la ciyaari doonta Liverpool kulan ka tirsan semi-final tartanka Carabao Cup.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyada oo 1/0 looga soo badiyay kulankii lugta hore ee tartanka Carabao Cup.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn ugu kalsoon in ay badin karaan kulanka marka la eego qaab ciyaareedka ay kooxdu ku jirto.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa seegi doona kulanka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay.

Xiddiga Conor Bradley ayaa la filayaa in uu ku bilowdo booska Trent kadib markii uu badalay Trent kulankii Bournemouth.

Xiddigaha Curtis Jones, Joe Gomez, Darwin Nunez iyo Diogo Jota ayaa ka soo laabtay dhaawac kulamadii ugu dambeeyay.

Shaxda Ay Liverpool kaga hor iman karto Liverpool

Alisson; Bradley, Konate, Van Dijk, Tsimikas; Mac Allister, Gravenberch; Salah, Szoboszlai, Gakpo, Diaz

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga