Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto West Ham.

Cole Palmer ayaa diyaar u ah inuu ku bilowdo Chelsea marka ay Sabtida la ciyaarayaan West Ham.

Xiddiga reer England waxaa bartamihii toddobaadka lagu daray kursiga keydka kulankii Naples, balse wuxuu kusoo galay beddel ahaan, isagoo caawiye ka noqday labada gool ee Joao Pedro, taasoo Chelsea u sahashay guul muhiim ah oo 3–2 ah, isla markaana ay si toos ah ugu gudbeen wareegga 16-ka Champions League.

Palmer xilli-ciyaareedkan ilaa hadda waxaa la daalaa dhacayay dhaawacyo isdaba joog ah, wuxuuna keydka ku jiray kulankii Napoli maadaama uu dhawaan ka soo kabsaday dhaawac yar oo bowdada ah, kaasoo ku reebay inuu seego kulamadii Pafos iyo Crystal Palace.

Kaddib markii uu labo kulan oo xiriir ah safka hore kaga bilowday, Estevao Willian waxaa laga yaabaa in la nasiyo kulanka ay la ciyaarayaan Hammers, inkastoo uu yahay ciyaaryahan si cad u jecel tababare Rosenior.

Palmer waxaa la filayaa inuu kulanka ku bilowdo, taasoo keeni karta in Enzo Fernandez uu ku laabto booskiisii caadiga ahaa ee khadka dhexe, isagoo garab ka ciyaaraya Moises Caicedo.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah Fernandez, Caicedo ama kabtanka Reece James ayaa laga yaabaa in la nasiyo, kaddib daqiiqado dheer oo ay ka ciyaareen kulankii Napoli, iyadoo weliba ay jirto ciyaar adag oo ay la leeyihiin Arsenal lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup-ka maalinta Salaasada.

Halkan kaga bogo shaxda ay chelsea kaga hor tagi karto West Ham:

Sanchez; Gusto, Fofana, Chalobah, Cucurella; Fernandez, Caicedo; Neto, Palmer, Garnacho; Joao Pedro

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga