Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Arsenal.

Chelsea wxa ka maqnaan doona labadaba Estevao Willian iyo Marc Cucurella kulanka weyn ee Premier League ee ay maanta la ciyaarayaan Arsenal.

Kooxda uu hoggaamiyo Liam Rosenior ayaa u safri doonta garoonka Emirates Stadium iyagoo rajaynaya inay saxaan khaladaadkii labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, halkaas oo ay dhibco ku lumiyeen iyagoo hoggaanka hayay isla markaana barbaro la galeen Leeds United iyo Burnley.

Estevao Willian iyo Marc Cucurella labaduba waxay ka maqnaayeen kulankii barbaraha ahaa ee ay la galeen Burnley sababo la xiriira dhaawacyo muruqa bowdada waxana ay ka maqnaayeen tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda.

Liam Rosenior  ayaa war cusub ka bixiyay labadan ciyaaryahan shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka galabnimadii Jimcaha, isagoo xaqiijiyay in midkoodna uusan ka ciyaari doonin kulanka ka dhacaya waqooyiga London.

Iyadoo Marc Cucurella maqan yahay, Liam Rosenior wuxuu ka dooran karaa Jorrel Hato ama Malo Gusto booska daafaca bidix.

Wesley Fofana ayaa ganaax ku maqnaan doona kaddib markii laga saaray kulankii ay la ciyaareen Burnley, sidaas darteed Rosenior wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu ku aamino difaac dhexe cusub oo la safan doona Trevoh Chalobah.

Jamie Gittens  mar kale lama heli doono, kaddib markii uu jeex ka gaaray muruqa bowdada markii uu dhaawacmay, taas oo ku qasabtay inuu ka baxo qeybtii hore ee ciyaartii ay 3-2 kaga badiyeen West Ham United bishii hore.

Chelsea sidoo kale waxa ka sii maqnaa Levi Colwill kulankii ay la ciyaareen Leeds United sababo la xiriira dhaawac, balse Romeo Lavia ayaa kursiga keydka ku jiray kulankii ay la ciyaareen Burnley, wuxuuna hadda dib ugu soo laabtay tartanka booska.

Shaxda Ay chelsea kaga hor iman karto Arsenal:
Sanchez; James, Tosin, Chalobah, Gusto; Santos, Caicedo; Palmer, Fernandez, Neto; Joao Pedro

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga