Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Iman Karto Barcelona.

Chelsea mar kale waxa ka maqnaan doona Cole Palmer kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan Barcelona caawa.

Weeraryahanka Ingiriiska ayaa ku dhowaa inuu soo laabto kadib labo bilood oo uu ka maqnaa dhaawac muruqa ah oo uu xilli-ciyaareedkan oo dhan la dhibtoonayay, balse waxa uu mar kale jab ka soo gaadhay farta kadib markii uu isku xidhay alaabka baabuurkiisa.

Chelsea ayaa ka baxday kulankii ugu dambeeyay ee premier League iyada oo ayna xiddigo ka dhaawacmin halka xiddigaha  Enzo Fernandez, Pedro Neto iyo Benoit Badiashile dhamaantood taam ahaayeen.

Moises Caicedo ayaa ku soo laabanaya shaxda kadib markii uu ka maqnaa kaydkana ku bilowday kulankii Burnley.

Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Barcelona:

Sanchez; James, Chalobah, Fofana, Cucurella; Caicedo, Fernandez; Estevao, Joao Pedro, Garnacho; Delap

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga