Shaxda Ay Arsenal Ku Ciyaari Karto Xilli Ciyaareedka Soo Socda.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu dhiso koox ku guulaysata koobka Premier League xilli ciyaareedka dambe iyada oo markii 3-aad oo xidhiidh ah ku dhamaystay kaalinta 2-aad premier League.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan loo saadaalinayay in ay ku guulaysanayso horyaalka premier League kadib markii ay kaalinta 2-aad galeen labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Laakiin Kooxda Arteta ayaa kaalinta 2-aad ku jirta xilli ciyaareedkan iyada oo 12 dhibcood ka dambaysa kooxda Liverpool.

Arteta ayaa isku diyaarinaya in uu mar kale dib u dhiso kooxda isla markaas waxa uu doonayaa xiddigo uu ku xoojiyo kooxda.

Sida laga soo xigtay Mirror Football, Arsenal ayaa doonaysa in ay kooxda ku soo darto xiddigo ay ka mid yihiin Zubemandi Iyo waliba Isak si ay uga caawiyaan ku guulaysiga premier League.

Hadaba Mirror ayaa soo bandhigtay halka ay shaxda Arsenal ka gali karaan xiddigaha Mirror

How Arsenal could line up in the 2025-26 season

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga