Arsenal ayaa heli karta dhiirrigelin weyn kaddib soo laabashada Riccardo Calafiori iyo Piero Hincapie kulanka ay la ciyaarayaan Manchester United.
Calafiori iyo Hincapie labaduba waxay Jimcihii ku soo laabteen tababarka buuxa, waxayna dadaal ugu jiraan inay ka mid noqdaan Liiska ciyaarta ee maanta.
Mikel Arteta ayaa sheegay inuu go’aan dambe ka gaari doono ka-qaybgalka ciyaartoydaas.
Soo laabashadooda waxay ka dhigan tahay in Max Dowman uu noqon doono ciyaaryahanka kaliya ee maqnaada.
Calafiori ayaa maqnaa muddo bil ah, mana badna in si toos ah loogu soo bilaabo safka koowaad xitaa haddii uu taam noqdo, sidaas darteed Jurrien Timber ayaa mar kale laga yaabaa in laga doorbido doorka daafaca bidix.
Gabriel, Declan Rice iyo Martin Ødegaard kuma soo bilaaban kulankii bartamaha todobaadka ee Inter Milan laakiin waxa ay ku soo laabanayaan kulanka.
Shaxda Ay Arsenal kaga hor tagi karto kulanka Man United:
Raya; White, Saliba, Gabriel, Timber; Zubimendi, Rice, Odegaard; Saka, Gyokeres, Martinelli
Be the first to comment