
Mikel Merino ayaa ku riixaya inuu ku soo bilowdo weerarka marka ay Arsenal martigelineyso West Ham isbuucaan.
Merino ayaa kaydka ka soo kacay kulankii Leicester city isaga oo dhaliyay Laba gool isaga oo ka Ciyaaraya weerarka.
Gunners ayaa haysata kaliya seddex weeraryahan oo taam ah waqtigan Ethan Nwaneri, Leandro Trossard iyo Raheem Sterling – waana sababta uu Merino u ciyaaray No9.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa laga yaabaa inuu ka ciyaaro weerarka isaga oo waliba Laga yaabo in uu ku bilowdo kulankan.
Halkan Kaga bogo shaxda Ay Arsenal Ku Soo gali karto kulanka maanta
Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Trossard, Merino.
Be the first to comment