Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Inter

Tababare Mikel Arteta ayaa u baahan in uu go’aamiyo sida uu u badalayo shaxdiisa kulanka caawa ay la ciyaari doonaan Inter champions League.

Gunners ayaa badisay dhamaan 6-dii kulan ee champions League ee ay ciyaartay tartanka waxana ay hal lug kula jirtaa wareega 16-ka ee tartanka.

Iyada oo Arsenal la ciyaarayso Man United todobaadka, Arteta ayaa go’aansan kara in uu nasiyo qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa kulanka Inter.

Arsenal waxa ka maqan Riccardo Calafiori, Piero Hincapie iyo Max Dowman kuwaas oo ka maqan liiska u safray Milan.

Xiddiga Cristhian Mosquera ayaa ku soo laabtay shaxda waxana uu kaydka ku bilowday kaydka kulankii Nottingham Forest.

Kai Havertz ayaa la filayaa in uu ka qayb qaato kulanka iyada oo aan la ogayn in uu ku bilaaban karo Iyo in kale.

Shaxda ay Arsenal kaga hor tagi karto Inter Milan

Raya; White, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Rice, Merino, Eze; Madueke, Jesus, Trossard

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga