Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Girona Kulanka Champions League.

Kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Girona kulankii ugu dambeeyay ee heerka Group-yada tartanka champions League.

Xiddigaha Martin Odegaard iyo Mikel Merino ayaa ku soo laaban doona shaxda kooxda iyaga oo ka soo laabtay dhaawac ay ku maqnaayeen kulankii ugu dambeeyay.

Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu isbadal ku sameeyo ciyaarta maadama ay Arsenal mar horeba u soo baxday wareega 16-ka ee champions League.

Neto ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ​​ugu horeysay u safto goolka hadii Arteta uu go’aansado inuu nasiyo David Raya, halka Jakub Kiwior ay u badan tahay inuu daafaca ka ciyaaro.

Riccardo Calafiori, oo dhaliyay goolka guusha isagoo ka soo kacay kursiga keydka ee Wolves ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda, Kieran Tierney ayaana laga yaabaa inuu ka soo muuqdo daafaca bidix.

Khadka dhexe, Jorginho ayaa rajeynaya inuu soo galo kooxda, Merino ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ku soo bilowdo ka dib markii uu ka soo kabsaday jugtii soo gaartay.

Kai Havertz ayaa laga yaabaa in uu nasiino helo kulanka si uu diyaar ugu noqdo kulanka premier League ee Man City.

Halkan Kaga Bogo shaxda macquulka ah ee kulanka:

Raya; Partey, Kiwior, Calafiori, Tierney; Odegaard, Rice, Merino; Nwaneri, Trossard, Sterling

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga