Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Fulham, Miyuu Saka Ku Bilaabanayaa Shaxda.

Bukayo Saka ayaa ku soo laabanaya Kooxda Arsenal kulanka Fulham ee ay caawa la ciyaari doonto premier League.

Saka ayaan u ciyaarin Arsenal tan ilaa markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay kulankii Crystal Palace ee 21 bishii December waxana uu maray qaliin.

Laakiin Saka ayaa ku soo laabanaya shaxda kooxda iyada oo xiddigu si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxda.

Mikel Arteta ayaa yidhi”Haa” markii la waydiiyay hadii u Saka ku bilaaban karo shaxda kooxda kulanka Fulham.

Xiddiga Riccardo Calafiori ayaa dhaawac uga maqnaan doona kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Jurrien Timber ayaa dhinaciisa diyaar u noqon doona kulanka kadib markii ay cabsi soo wajahday kadib dhaawacii uu uga baxay waajibaadka xulka qarankiisa.

Shaxda Ay Arsenal kaga hor tagi karto Fulham:

Raya; Timber; Gabriel, Saliba, Lewis-Skelly; Partey, Rice, Odegaard; Saka, Merino, Martinelli

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga