Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Fulham

Arsenal ayaa la filayaa in ay dib u hesho Piero Hincapie kulanka maanta ee Premier League ay booqanayaan Fulham.

Hincapie, oo amaah kaga yimid Bayer Leverkusen maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, wuxuu hal mar oo keliya u ciyaaray kooxda cusub ka hor inta uusan dhaawac muruqa ku seegin kulamo badan.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca bidix ayaa hadda dib ugu soo laabtay tababarka, waxaana uu rajeynayaa inuu qeyb ka noqdo kooxda u safreysa Craven Cottage kulanka dhamaadka usbuuca.

Arsenal waxa ka maqnaan doona afar ciyaaryahan oo muhiim ah kulanka ay la ciyaarayaan Fulham, kuwaas oo dhammaantood la tacaalaya dhaawacyo jilibka ah. Ciyaartoydaas waa Gabriel Jesus, Kai Havertz, Martin Ødegaard, iyo Noni Madueke.

Ben White iyo Martin Zubimendi ayaa seegay tababarka horaantii toddobaadkan, balse sababtu ma ahayn dhaawac — waxa kaliya oo la maareynayay culayska shaqadooda si looga hortago daal ama dhaawac.

maqnaanshaha Martin Ødegaard ayaa la micno ah in Eberechi Eze mar kale laga yaabo inuu ku bilowdo booska dhexe, inkastoo Ethan Nwaneri uu isaguna yahay ikhtiyaar kale oo la tixgelin karo.

Shaxda Ay Arsenal Ku ciyaari karto kulanka:

Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Calafiori; Eze, Rice, Merino; Saka, Gyokeres, Trossard

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga