Bukayo Saka ayaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka ay Arsenal gurigeeda kula ciyaarayso Chelsea maalinta Axadda.
Weeraryahanka ayaa laga saaray ciyaarta dhammaadkeedii intii lagu jiray guushii ay ka gaareen Tottenham usbuucii hore, kaddib markii si qalafsan loogu qabtay tartan uu la galay Xavi Simons.
Saka waxa uu ku sugnaa garoonka marka ciyaartu dhammaatay si uu ula dabaaldego saaxiibbadiis, waxaana la rumeysan yahay inuu ka badbaaday wax dhaawac culus ah.
Go’aanka weyn ee Mikel Arteta waxa uu yaallaa booska lambarka 10-aad. Martin Odegaard ayaa ka soo laabtay dhaawac jilibka ah kaddib markii uu kursiga keydka ka soo galay kulankii ay la ciyaareen Spurs, balse Eberechi Eze waxa uu rajaynayaa inuu sii haysto booskiisa.
Saxiixii xagaaga ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii waqooyiga London, wuxuuna hadda rajaynayaa inuu halkaas ka sii ambaqaado oo uu ilaashado qaab ciyaareedkiisa wanaagsan.
Waxaa jirta suurtagalnimo ah in Eze laga ciyaarsiiyo garabka bidix, taas oo u oggolaanaysa Arsenal inay isku mar ku soo bilaabaan isaga iyo Odegaard, balse Arteta bilihii la soo dhaafay wuu ka caga jiidayay arrintaas.
Waxay u muuqataa inay ka macquulsan tahay in midkood ka bilaaban doono booska lambarka 10-aad, iyadoo xawaaraha Gabriel Martinelli laga yaabo in laga doorbido garabka bidix marka loo eego Leandro Trossard, si looga faa’iidaysto meelaha bannaan ee ka dambeeya difaaca Chelsea.
Kai Havertz ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto kooxda si uu uga hor tago kooxdiisii hore, iyadoo Mikel Arteta uu xaqiijiyay in ciyaaryahanka Jarmalka ah uu tababarka dib u bilaabi doono Sabtida.
Dhanka kale, Viktor Gyokeres ayaa laba gool oo cajiib ah ka dhaliyay Spurs, waxaana la filayaa inuu mar kale hoggaamiyo weerarka.
Dhanka daafaca, Piero Hincapie ayaa sii wada inuu soo bandhigo qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana la filayaa inuu sii haysto booskiisa daafaca bidix, isagoo ka horreeya Riccardo Calafiori.
Ben White ayaa weli shaki ku jira kaddib markii uu ka maqnaa kulankii waqooyiga London sababo la xiriira “xanuun yar. Mikel Arteta ayaa Jimcihii markii wax laga weydiiyay xaaladda cusub ee daafaca, ku jawaabay oo keliya: “Aan aragno.”
Halkan Kaga Bogo shaxda ay Arsenal kaga hor iman karto Chelsea:
Be the first to comment