Martin Odegaard ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto safka Arsenal marka ay Sabtida fiidkii la ciyaarayaan Everton.
Kabtanka Arsenal wuxuu ciyaaray hal kulan oo keliya bishii la soo dhaafay sababo la xiriira dhaawac jilibka ah. Wuxuu si kooban uga soo galay kursiga keydka kulankii ay la ciyaareen Tottenham Hotspur, laakiin tan iyo markaas wuxuu mar kale ku laabtay safka dhaawaca.
Ødegaard ma uusan safriin Jarmalka bartamihii toddobaadka si uu uga qeyb galo kulankii Bayer Leverkusen ee UEFA Champions League, laakiin tababaraha Arsenal Mikel Arteta kama uusan saarin suurtagalnimada inuu ciyaaro kulanka ay la leeyihiin Everton.
Sidoo kale arrintaas waxay khusaysaa Leandro Trossard, kaasoo seegay kulankii Bayer Leverkusen sabab la xiriirta dhaawac yar oo uu ka soo gaaray kulankii FA Cup ee ay la ciyaareen Mansfield Town.
Maadaama jadwalka kulamada uu aad u mashquul yahay, Arsenal waxay u badan tahay inay taxaddar ka muujiyaan labada ciyaaryahan, waxaana suurtagal ah in haddii ay diyaar noqdaan loo geliyo daqiiqado kooban iyagoo kursiga keydka ka soo galaya.
ayaa kursiga keydka ka soo galay oo dhaliyay goolka barbaraha habeenkii Arbacada, waxaana suurtagal ah inuu ku bilaabo booska No.10 halkii uu ka ciyaari lahaa Eberechi Eze, maadaama uu hore u muujiyay inuu xiriir ciyaareed wanaagsan la leeyahay Viktor Gyökeres.
Dhinaca difaaca, Ben White mar kale wuu caafimaad qabaa, laakiin Jurrien Timber ayaa u muuqda inuu sii hayn doono booskiisa.
Sidoo kale Riccardo Calafiori waa ikhtiyaar laga yaabo inuu ka ciyaaro left-back, isagoo beddeli kara Piero Hincapié, kaasoo ciyaaray kulamo badan waayadii dambe.
Dhanka kale, Mikel Merino weli ma ciyaari karo kadib qaliin lugta (cagta) ah oo uu galay.
Halkan Kaga Bogo shaxda ay Arsenal kaga hor tagi karto Everton:
Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Calafiori; Zubimendi, Rice; Saka, Havertz, Martinelli; Gyokeres
Be the first to comment