Shan Xiddig Oo Liverpool Ka Maqnaa Tababarkii Ugu Dambeeyay

Daafaca kooxda Liverpool ee Joe Gomez ayaa lagu soo waramayaa in uu ka mid ahaa shan ciyaartoy oo seegay tababarkii ay isugu diyaarinayeen kulanka sabtida ee ay gurigooda kula ciyaari doonaan kooxda Burnley.

Reds ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guusha todobaadkan kadib markii 15 kulan oo xiriir ah oo aan laga badinin horyaalka Premier League ay soo gabagabaysay Axadii ay la ciyaareen Arsenal.

Inkasta oo ay guuldarro 3-1 ah ka soo gaartay Gunners, kooxda Jurgen Klopp ayaa weli ah hogaanka horyaalka Premier League ka hor kulamada isbuucaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay kaliya labo dhibcood ka sareeyaan Manchester City iyo Arsenal xilli ay Man City haysta Hal kulan oo baaqi ah.

Iyadoo Liverpool ay haatan isku diyaarineyso inay wajahdo kooxda Burnley, waxaa jiray lama filaan ah in ay Xiddigo ka maqanaayeen tababarka.

Sida Laga Soo xigtay Liverpool Echo Gomez ayaa ka maqnaa tababarkii kooxda ee Ugu danbeeyay.

Gomez, oo saftay 32 kulan xilli ciyaareedkan, waxa uu ahaa mid si joogto ah uga ciyaara kooxda Liverpool muddooyinkii u dambeeyay, isagoo ku soo bilowday mid kasta oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyey.

26 jirkaan ayaa ciyaaray inta badan guuldaradii dhawaan kasoo gaartay Arsenal, ka hor inta uusan badalin Thiago Alcantara daqiiqadii 85-aad.

Thiago ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah tan iyo bishii April ee sanadkii hore, laakiin xiddiga reer Spain ayaa haatan mar kale garoomada ka maqnaan Doona muddo.

Gomez waxa sidoo kale tababarka kala maqan Xiddigaha Salah, Szobozlai, Conor Bradley iyo Tsimiskas Ayaa ka Maqanaa tababarka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga