Sergio Aguero Oo Magacaabay Kooxda Liverpool Iyo Arsenal Kula Tartamaysa Premier League Xilli Ciyaareed.

Sergio Aguero ayaa taageeray koox saddexaad oo Arsenal Iyo Liverpool kula tartamaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool iyo Arsenal ayaa si weyn loogu saadaaliyay inay markale ku tartami doonaan horyaalka, kaddib loolankii adag ee ay galeen xilli ciyaareedkii hore.

Arne Slot ayaa ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee England, halka Arsenal ay mar kale ku dhammaatay kaalinta labaad saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah, iyagoo uu hogaaminayo Mikel Arteta.

Labada kooxoodba waxay xilli ciyaareedkan u muuqdaan kuwo ka sii xoogan, kaddib suuq xagaaga oo ay si weyn ugu dagaalameen – Liverpool ayaa qarash gareysay rikoor cusub oo British ah oo ah £446m, halka Arsenal ay ku bixisay in ka badan £250m ciyaartoy cusub.

Liverpool, oo weli leh rikoor 100% guulo ah, ayaa durba saddex dhibcood oo nadiif ah hoggaanka uga heysa horyaalka Premier League, halka Arsenal ay kaalinta labaad ku jirto.

Weli waa la arki doonaa haddii koox kale ay awoodi karto inay la tartamaan Arsenal Iyo Liverpool laakiin Aguero wuxuu aaminsan yahay in Chelsea aan la iska indho-tiri karin.

Kooxda Enzo Maresca ayaa xilli ciyaareedkii hore si qarsoodi ah uga dhex muuqatay boosaska Champions League, iyadoo sidoo kale ku guuleysatay Conference League.

Blues ayaa ku guulaystay tartanka Club World cup-ka waxana ay si fiican ku bilowdeen xilli ciyaareedka premier League iyada oo aan wali laga badin horyaalka.

Aguero, oo shan jeer ku guuleystay horyaalka Premier League isaga oo la ciyaaray Manchester City, ayaa u sheegay Stake:“Chelsea waa hubaal mid ka mid ah kooxaha ugu xooggan ee u tartami kara horyaalka premier league xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga