Semenyo Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Dhigay Sergio Aguero

Antoine Semenyo ayaa barbareeyay rikoor uu hore u dhigay halyeyga Manchester City Sergio Agüero, kaddib markii uu xiddignimo muujiyay kulankiisii ugu horreeyay ee buuxa, ciyaartii Sabtidii ay Manchester City gurigooda ku garaaceen Exeter City 10–1, wareegga saddexaad ee Koobka FA Cup.

Ciyaaryahanka 26-jirkan ah ayaa si rasmi ah ugu biiray Citizens Jimcihii isagoo ka yimid Bournemouth, waxaana tababare Pep Guardiola go’aansaday inuu si toos ah ugu daro shaxda bilowga, taas oo ay ku jireen xiddigo ay ka mid yihiin Erling Haaland, Rodri iyo Rayan Cherki.

Manchester City ayaa nasashada ku gashay iyagoo 4–0 ku horreeya, kaddib markii Max Alleyne uu dhaliyay goolka furitaanka iyo goolkiisii ugu horreeyay ee heerka koowaad ee kooxda, waxaana xigay gool qurux badan oo Rodri uu meel fog ka tuuray – kaas oo noqday goolkiisii ugu horreeyay muddo 20 bilood ah – iyo laba gool oo ay iska dhaliyeen ciyaartoyda Exeter City.

Kadibna Rico Lewis ayaa dhaliyay goolka shanaad isaga oo si fudud uga faa’iidaystay meel dhow afar daqiiqo kaddib bilowgii qaybta labaad, kaddib markii uu la kulmay karoos qurux badan oo uu soo dhigay Semenyo, kaas oo intaas ku daray caawintiisii ugu horreysay ee Man City isaga oo shan daqiiqo kaddib dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee uu u dhaliyo kooxda funaanadda buluugga ah.

Semenyo ayaa kubbad si xeeladeysan loo dhex mariyay uga helay dhinaca bidix Rayan Cherki, wuxuuna si xoog leh ugu galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan si deggan shabaqa ugu ridin kubbadda, isaga oo dabaaldegyo sameeyay.

Semenyo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya Gool mid kalena caawiye ka noqday kulankiisii ugu horeeyay ee Man City tan ilaa Aguero oo sidaas sameeyay sanadkii 2011 Swansea City Kulan uu ka Hor tagay Swansea City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga