Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa qaba in kooxda ay dib u dhigto magacaabista Ruben Amorim si uu u noqdo tababarohooda cusub.
Kooxda ayaa ceyrisay Erik ten Hag ka dib markii uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedka Kooxda ayaa ceyrisay Erik ten Hag ka dib markii uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedka hogaamiya Sporting Lisbon.
Man Utd ayaa diyaar u ah inay bixiso 10 milyan oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo si ay u u magacaabaan tababare Amorim.
Waxa suurtagal ah in uu Amorim hogaamiyo Man United Kulanka chelsea ee Axada soo socota.
Si kasta ha ahaatee Scholes ayaa u sheegay in ay joojiso kooxdu magacaabista tababaraha si ay Ruud Van Nistelrooy ugu ogolaadaan in uu hogaamiyo 4 todobaad.
“Waxa aan qabaa in uu u saxiixi doono Man United saacadaha soo socda laakiin Sporting ayaa la ciyaari doonta Man City todobaadka dambe kadib Arsenal ayaa la ciyaari doonta Sporting 3 ilaa 4-ta todobaad ee soo socota”.
“Waxa ay noqon kartaa fursad lagu qiimayn karo xaaladiisa iyo sida uu ula macaamili karo sacaafada iyo sida ay kooxdiisu u ciyaarto”.
Be the first to comment