Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.
Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.
hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.
Manchester United ayaa ku dhibtoonaysa sidii ay u heli lahayd koox ka iibsata Casemiro kaas oo ay isku dayayaan in ay iska iibiyaan kadib xilli ciyaareedkii niyad jabka lahaa ee uu soo bandhigay, si kasta ha ahaatee haatan waxa ay isku diyaarinayaan in ay sii haystaan xiddiga (GiveMeSport).
Arsenal ayaa horay ugu sii riixi doonta u dhaqaaqista xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad Mikel Merino marka uu Emile Smith Rowe u dhaqaaqo Fulham (Football Transfers).
Madaxweynaha Real Sociedad Jokin Aperribay ayaa qirtay in kooxdiisu ay aqbali doonto dalabyada Merino oo ay sidoo kale doonayso Barcelona hadii uu u sheego in uu doonayo in uu baxo (MARCA).
Liverpool ayaa u gudbisay Genoa dalab 21 milyan euro ka gudbisay saxiixa xiddiga Morten Frendrup, laakiin kooxda reer Talyaani ayaan xiiseyneynin inay iibiso (TuttoMercatoWeb).
Ciyaaryahanka kale ee lala xiriirinayo Liverpool waa weeraryahanka Galatasaray Baris Alper Yilmaz, kaasoo ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd Turkiga Euro 2024 (Fotomac).
Ka dib markii ay waayeen saxiixa Leny Yoro ee Man Utd, Real Madrid ayaa kaliya go’aansan doonta inay la soo saxiixato daafac dhexe kale suuqan usbuucyada ugu dambeeya ee August markaasoo ay sawir cad ka helayaan marka David Alaba uu ka soo laabanayo dhaawac ACL (MARCA).
Kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur ayaan wali wax xiiso ah u soo saarin xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Eberechi Eze kaas oo la sheegay in uu ka tagayo Selhurt Park (GiveMeSport).
Napoli wali wax heshiis ah kama aysan gaarin Chelsea oo ku aadan Romelu Lukaku, laakiin hadda waxay u furan tahay inay Victor Osimhen u dirto galbeedka London si ay qeyb uga noqoto heshiis kasta (Guardian).
Chelsea ayaa wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus ee Federico Chiesa kaas oo ku saabsan suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo Stamford Bridge (TEAMtalk).
Arsenal ayaa weli xiiseyneysa 25 sanno jirka weerarka uga ciyaara Napoli iyo xulka Nigeria Victor Osimhen (Corriere dello Sport).
Gunners ayaa laga yaabaa inay ku xoojiso khadkeeda dhexe saxiixa 28-jirka khadka dhexe ee Real Sociedad iyo xulka Spain Mikel Merino (football.london).
Arsenal ayaa xiiso u qabta xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Leroy Sane laakiin 28 jirkan ayay u badantahay in uuna u dhaqaaqin xagaagan (Sky Germany).
Be the first to comment