Sancho, Ten Hag, Mac Allister, Raya & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa weeraryahan cusub ka hor bilaabashada tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub Alexander Isak oo u ciyaara Newcastle ayaa ah bartilmaameedkooda 1-aad (Independent).

Bayern Munich ayaa wadahadalo hordhac ah la yeelatay Vincent Kompany, oo 38 jir ah, kaasoo kooxdiisa Burnley ay ka hartay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan (Sky Sports Germany).

Kompany ayaa xiiseynaya inuu qabto shaqada ka dib markii uu noqday bartilmaameedka 1-aad (Talksport).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay 75% hesho lacagtii ay ka bixisay Jadon Sancho hadii ay iska iibinayso xiddiga suuqa xagaaga (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Alexis Mac Allister (Mirror).

Kooxaha Bayern Munich iyo Ajax ayaa aaminsan in ay Man United shaqada ka caydhin doonto Erik ten Hag (Mirror).

Goolhaye David Raya ayaa sheegay in uuna wax wadahadalo ah kula jirin Arsenal si uu si toos ah ugu wareego kooxda xagaaga (Express).

Tababaraha Cusub ee kooxda Liverpool Arne Slot ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in ay u keenaan xiddiga PSV ee Johan Bakayoko (teamtalk).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong ayaa ku soo laabtay diirada chelsea si ay ugu dhaqaaqaan suuqa xagaaga (Various).

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Borussia Dortmund Gregor Kobel, kaasoo lagu qiimeeyo 43-50 milyan (Sky Germany).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga