Xiddigii hore ee xulka qaranka France Samir Nasri ayaa ka fal celiyay go’aankii xidhiidhka kubada cagta Africa koobka kaga qaaday xulkii ku guulaystay ee Senegal.
CAF ayaa soo saartay go’aan lama filaan ah iyaga oo sheegay in ay koobka ka qaadayaan xulka Senegal kuna abaalmarinayaan xulka Morocco.
“Koobka laga qaado Senegal oo loo dhiibo Morocco?
“Marka xigta ma 2035 ayay sameyn doonaan”
“Haddii ay go’aankan soo saari lahaayeen isla habeenkii ciyaarta ama maalinta xigtay, waan fahmi lahayn… laakiin hadda?! Wax macno ah ma sameynayso”
“Dadka Senegal waxay dalkooda ku laabteen iyagoo sita koobkii, way u dabaaldegeen, xaflado ayay qabteen—hadda maxaa la rabaa inaan sameyno?”
“Runtii… tani waxay mar kale dhaawaceysaa kalsoonida iyo sumcadda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).”
Be the first to comment