Saliba Wuu U qalmay In Ciyaarta Laga Saaro Kulankii Bournemouth

Garsoorihii hore ee Keith Hackett ayaa sheegay in uu William Saliba u qalmay in kaadhka cas loo tango kulankii Bournemouth ee ka tirsanaa premier league.

Saliba ayaa ciyaaarta laga saaray 30-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ciyaarta.

Waxa jiray muran badan oo ku saabsan casaanka Saliba laakiin Hackett oo horay u soo maamulay ciyaaraha ayaa sheegay in uu saliba u qalmay in ciyaarta laga saaro.

“Sababta Saliba ciyaarta looga saaray ayaa ah Khalad uu ki galay weeraryahankii ugu dambeeyay”.

“Marka and eegto sharciga kubada cagta hadii aad khalad ku Gasho weeraryahan kaliya goolka ka xigo Goolhayaha wad u qalantaa in ciyaarta lagaa saaro”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga