William Saliba ayaa ammaan u jeediyay Martin Zubimendi kaddib guushii 3-2 ee ay Arsenal ka gaartay Chelsea, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay in khadka dhexe uu “kaalin weyn ka qaadan doono” ku guuleysiga koobab waaweyn ee kooxda.
Goolal ay dhaliyeen Ben White, Viktor Gyokeres iyo Zubimendi ayaa Arsenal siiyay gacanta sare kulankan nus-dhamaadka Carabao Cup ee London dhexdeeda ah, kaas oo ahaa lugtii koowaad ee xiiso badan kana dhacay Stamford Bridge.
Gunners-ka ayaa u muuqday kuwo si fudud ugu sii socda Wembley markii Gyokeres uu ka faa’iidaystay qalad uu sameeyay Robert Sanchez wax yar kaddib bilowgii qeybta labaad, taas oo taageerayaasha martida u dirtay farxad weyn.
Si kastaba ha ahaatee, beddelka qeybta labaad Alejandro Garnacho ayaa dhaliyay labo gool isaga oo ciyaarta dib u furay laakiin xiddiga Zubimendi ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 71-aad.
“Waan ku faraxsanahay guusha. Waan ognahay inaysan marnaba sahlanayn in halkan la yimaado oo lagu guuleysto,” ayuu Saliba u sheegay CBS Sports wax yar kaddib guushii Arsenal.
Zubimendi ayaa u muuqday inuu ahaa xudunta wax kasta oo ay Arsenal ka sameysay galbeedka London, isagoo mar kale muujiyay kalsooni iyo xasillooni dhexda garoonka ah, taas oo ku qancisay Arsenal inay bixiso £51 milyan si ay xagaagii hore ugala soo saxiixato Real Sociedad.
“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan,” ayuu Saliba ka yiri khadka dhexe ee Spain.
“Waligiis cadaadis ma dareemo, waad siin kartaa kubadda, xitaa haddii uu qof dhabarka ka saaran yahayna weli cadaadis ma dareemayo.”
“Wuxuu noo yahay ciyaaryahan aad u fiican marka aan kubadda haysanno iyo marka aanan haysanba, maanta-na wuxuu muujiyay inuu goolal dhalin karo sidoo kale.
“Runtii, xilli-ciyaareedkan wuxuu dhaliyay goolal aad u badan marka loo eego ciyaaryahan lambarka lixaad ah!
“Sidaas darteed waa wax fiican in la helo, waana hubaa inuu naga caawin doono si weyn inaan ku guuleysanno koobab.”
Be the first to comment