
Daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu ku soo barbaaray taageeradeeda isla markaas uu ku riyoon jiray in uu u ciyaaro.
Saliba ayaa ku dhow inuu heshiis cusub la galo Arsenal ka dib qaab ciyaareedkiisa aan caadiga ahayn ee Santiago Bernabeu.
Taageerayasha Real Madrid ayaa aamaanay qaab ciyaareedkiisa isaga oo Gunners ka caawiyay in ay garaacdo Real Madrid Iskana xaadiriso Semi-final-ka champions League.
Daafaca ayaa haatan ka hadlayay kooxda uu taageersanaa tan iyo lix sano jir, jawaabtiisuna waxay noqotay mid ay ku farxeen taageerayasha Arsenal.
William Saliba ayaa daaha ka qaaday inuu ku nool yahay riyadiisii caruurnimo isagoo u ciyaaraya Arsenal isagoo taageerayay kooxda Waqooyiga London tan iyo markii uu yaraa.
“Waxa aan taageere u ahaa Arsenal tan ilaa markii aan yaraa”ayuu saliba yidhi.
“Waxa guriga Ii yaala sawir aniga oo 6 sano jir ah oo xidhan maaliyada Arsenal”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment