
Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha u dagaalamayaan sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahaayeen.
Sidoo kale Kooxaha ayaa bilaabaya sidii ay u ilaysan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka ambe.
Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Manchester United ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Barcelona ee Raphinha, kaasoo lagu heli karo kaliya 60 milyan (football.london).
Ka dib markii Liverpool ay ka hartay Champions League ee Paris Saint-Germain, Mohamed Salah ayaa lagu tilmaamay “in uu aad uga sii fogaanayo Anfield”, iyadoo kooxaha Sacuudiga ee Al Nassr iyo Al Hilal ay hogaaminayaan tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka (Fichajes).
Manchester City face competition from PSG in the race to sign Leicester City’s 15-year-old prodigy Jeremy Monga iyada oo Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa diyaar u ah inay bixiso €30m si ay u hesho xiddiga da’yarka ah (Fichajes).
Hansi Flick ayaa xiddiga Bayern Leverkusen ee Jonathan Tah ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad suuqa xagaaga (El Nacional).
Haddii Arsenal u ogolaato Riccardo Calafiori inuu ka tago waqooyiga London hal sano ka dib markii uu yimid, waxay Real Madrid ka dalban doontaa €80m (Fichajes).
Liverpool ayaa u furan iibka daafaca dhexe ee Ibrahima Konate waxayna diyaar u tahay inay aqbasho dalabyada 60 milyan ilaa 50 milyan u dhexeeya (Defensa Central).
Haddii Liverpool ay ku guul darreysato saxiixa Alexander Isak, waxay u dhaqaaqi doontaa saxiixa xiddiga Atletico Madrid ee Julian Alvarez (Anfield Watch).
Chelsea ayaan wax niyad ah u haynin in Jadon Sancho uu ku laabto Manchester United, iyadoo kooxda la filayo inay si joogto ah ula wareegto xiddiga (Ben Jacobs).
Ka dib markii ay waayeen Joshua Kimmich, kaasoo qandaraas cusub u saxiixay Bayern Munich, Real Madrid ayaa u aqoonsatay xiddiga Stuttgart ee Angelo Stiller bartilmaameedka 1-aad ahna badalka Luka Modric (Fichajes).
Arsenal ayaa muujisay xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Marc Casado kaas oo sidoo kale soo jiitay indhaha Chelsea (Fichajes).
Manchester United ayaa u sheegay Ruben Amorim inay baxaan oo ay la soo wareegaan Viktor Gyokeres ka dib markii ay guuldaro kala kulmeen Chelsea dagaalka ay kula jiraan Geovany Quenda (Fichajes).
Aston Villa ayaa isha ku haysa horumarka xiddigii hore ee Real Madrid Isco xilli kubad sameeyahu uu ku raaxaysanayo dib u soo noolaynta kooxda Real Betis (El Nacional).
Liverpool ayaa diyaar u ah inay ku qarash gareyso €300m oo u dhiganta (£250m) seddex saxiix oo heer sarre ah xagaagan – Julian Alvarez oo Atletico Madrid ah, RB Leipzig Xavi Simons iyo kan Inter Alessandro Bastoni. (Fichajes).
Manchester United ayaa u sheegtay Barcelona inay diyaar u tahay inay bixiso €50m oo u dhiganta (£42m) si ay u hesho Frenkie de Jong oo ay muddo dheer bartilmaameedsanaysay (El Nacional).
Man Utd ayaa sidoo kale miiska u saartay dalab dhan 70 milyan oo euro oo u dhiganta (£58.8m) oo ay ku doonayso weeraryahanka Barcelona iyo xiddiga u tartamaya Ballon d’Or ee Raphinha. (Fichajes).
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo in Darwin Nunez uu keeno Emirates xagaaga (Fichajes).
Chelsea kama iibin doonto Enzo Fernandez Real Madrid wax ka yar €90m – xitaa qiimahaas wuxuu ka dhigan yahay khasaare weyn oo ku yimid marka la eego qiimaha ay ka soo bixisay 2023 (Todofichajes).
Man Utd iyo Liverpool ayaa sii wada inay indha indheeyaan da’yarka Southampton Tyler Dibling (Fabrizio Romano).
Paris Saint-Germain ayaa ku cadaadinaysa Lamine Yamal inuusan saxiixin qandaraaska cusub ee waqtiga dheer ee ay Barcelona u soo bandhigtay, waxaana laga yaabaa inay u soo bandhigto heshiis aad u sareeya si uu u yimaado caasimada France (El Nacional).
Borussia Dortmund ma rabto inay iska iibiso daafaca dhexe ee Nico Schlotterbeck iyadoo la isla dhexmarayo in xiddiga uu badali doono Virgil Van Dijl (Sky).
Real Madrid ayaa isha ku haysa wakhtiga uu ciyaarayo daafaca Arsenal ee Riccardo Calafiori kaas oo aan wali boos joogto ah ka haysan kooxda kowaad ee Emirates Stadium (Fichajes).
Be the first to comment