Salah, Van Dijk Mise Alexander-Arnold? Liverpool Oo Loo Sheegay Cidda Ay Muhiimada Siiso Heshiiska Cusub.

Ilaa hadda kooxda reer England ee Liverpool ayaan wax heshiis ah ka gaadhin heshiis kordhinta saddexda xiddig ee Mohamed Salah, Van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold.

Liverpool ayaa wajaheysa halista ah inay lumiso seddexda ciyaaryahan kuwaas oo heshiis hordhac ah la gaadhi kara kooxaha kale suuqa January maadama heshiiskoodu dhacayo bisha June ee soo socota.

Arrinkani waxa uu ku badan yahay ra’yiga kubbada cagta dadweynaha ee England, saddexda ciyaaryahan ee Gary Lineker, Alan Shearer iyo Micah Richards, ayaa ka hadlay saddexda midkood ay tahay in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Lineker oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan qabaa in ay Liverpool heshiis cusub ka saxiixato Trent Alexander-Arnold sababta oo ah waxa uu ku jiraa wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa halka ay xiddigaha kale gali doonaan sanadihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa”.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Magaca Trent waxaa si weyn loola xiriiriyay Real Madrid, wayna adag tahay in la diido Real Madrid si daacad ah, sidaas darteed waxaan sidoo kale garab istaagi karaa Mohamed Salah, sababtoo ah lama bedeli karo, doorashadu waa mid aad u adag”.

Shearer ayaa ku jawaabay: “Waan ku raacsanahay fikradan sidoo kale waxaan ahay weeraryahan, waxaana ogahay inay adag tahay inaad hesho ciyaaryahan kuu dhalin kara 20 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedka”.

Ilaa iyo hadda, waxaa la isku raacay in Virgil van Dijk uu yahay qofka la bedeli karo, iyadoo ay adag tahay in la bedelo Mohamed Salah, ka hor inta uusan hadlin Micah Richards, saaxiibkii Mo ee Fiorentina iyo ciyaaryahankii hore ee Manchester City.

Waxa uu yiri: “Van Dijk la’aanteed, Liverpool kuma guuleysan doonto horyaalka, laakiin su’aashan lafteedu waa wax aan macquul ahayn, ma ogolaan kartid saddexdan, laakiin dhab ahaantii waxa ugu dhow inuu sii joogo Trent sababtoo ah wuu ka yar yahay.”

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Aniga ahaan, ma ogolaan doono mid iyaga ka mid ah inuu baxo, laakiin waxaan dareemayaa inaad weli ku guuleysan karto horyaalka Trent la’aantiis, hadii aad daafac wanaagsan hesho, Salah ayaana gooldhaliya kulan kasta, waxana uu lama huraan u yahay Liverpool”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga