Salah, Ronaldo, Ramos, Zubimendi, Isak, Rashford & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.

Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku  biiraan suuqa January.

Paris Saint-Germain ayaa dib u soo ceshatay xiisaheeda Marcus Rashford iyadoo ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Manchester United bisha January (Teamtalk).

Liverpool ayaa isha ku haysa xiddiga garabka uga ciyaara Lyon ee Malick Fofana iyo sidoo kale Rayan Cherki. Reds ayaa horay u soo gudbisay dalab ku kacaya 20 milyan oo ay ku doonayso xiddiga dambe (Fichajes).

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay amaah ku dirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Turkiga Arda Guler bisha January iyagoo rajo ka qaba kooxaha doonaya Arsenal, Aston Villa iyo Juventus (Caughtoffside).

Juventus iyo Napoli ayaa labaduba ka fiirsanaya inay dalab 70 milyan ka gudbiyaan saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace Eberechi Eze (Fichajes).

Iyadoo ay jirto xiisaha Manchester City, Bournemouth ayaa diyaar u ah inay ku iibiso daafaca dhexe Illia Zabarnyi qiimo la mid ah 65 milyan oo euro (Football Insider).

Barcelona ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen Jonathan Tah laakiin waxa ay tartan weyn ka filayaan labada kooxood ee Chelsea iyo Tottenham Hotspur (Fichajes).

Chelsea ayaa kula biirtay Arsenal tartanka loogu jiro weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak, kaasoo lagu qiimeeyo in ka badan 115 milyan (TEAMtalk).

Sidoo kale chelsea waxa diirada u saaran weeraryahanka Ipswich Town Liam Deap (Simon Phillips).

Newcastle ayaa isku diyaarinaysa in ay u soo bandhigto daaficii hore ee Real Madrid Sergio Ramos heshiis 18 bilood ah oo uu ku kacayo 10 milyan oo euro (Fichajes).

Real Sociedad ayaa ka cabsi qabta in Arsenal iyo Liverpool ay diyaar u yihiin inay bixiyaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Martin Zubimendi (Todofichajes).

Liverpool ayaa la filayaa inay ka mid noqoto kooxaha isku dayaya inay la soo wareegaan Zubimendi sanadka 2025, iyadoo kooxo badan ay ku fikirayaan inay dalab u gudbiyaan xiddiga heerka caalami ee dalka Spain bisha January (Mundo Deportivo).

Tababaraha Kooxda Fenerbahce ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kooxda reer Turkey kula midoobo xiddiga Cristiano Ronaldo (Goal).

Kooxda Man United ayaa haatanba la xidhiidhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Eduardo Camavinga si ay xiddiga ugu xoojiso khadka dhexe (Bernabue Digital).

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qirtay in ay u badantahay in uu ka tago kooxda Xagaaga dambe (X).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga