Salah Oo Rikoodh Taariikhi Ah Isha Ku Haya Kulanka Wolves.

Mohamed Salah ayaa barbarayn kara ama jabin kara rekoodhka caawinta Liverpool marka ay Reds la ciyaarto Wolverhampton Wanderers kulanka Axada ee Premier League ee ka dhacaya Anfield.

32-sano jirkaan ayaa diiwaan galiyay caawiyihiisii ​​14-aad ee xilli ciyaareedka kulankii Everton Arbacadii markii uu caawiyay goolkii uu dhaliyay Alexis Mac Allister islamarkaana uu jabiyay rikoor Premier League ah oo uu dhigay Andy Cole.

Salah ayaa markaas shabaqa soo taabtay kulankii Merseyside derby, waana kulankii 9-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan oo uu gool dhaliyay mid kalena caawiye ka noqday.

Haddii ciyaaryahankii hore ee Chelsea uu caawin u sameeyo saaxiibadiis kulanka Wolves wuxuu barbareyn doonaa rikoorka Liverpool ee caawinta ugu badan xilli ciyaareedka Premier League, 15-kii caawin ee uu sameeyay Steve McManaman 1995-96.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan laba caawin oo uu ku sameeyay Anfield ayaa salah ka caawinaysa in uu dhigo rikoodh cusub premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga