
Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday in Darwin Nunez uu yahay xiddiga uu ugu jecel yahay Liverpool ee uu ka garab ciyaaro.
Nunez ayaa dhaliyay 36 gool 114 kulan oo uu u saftay Reds tan iyo markii uu Benfica kaga soo biiray 2022.
Xiddiga reer Uruguay ayaan wali Soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay isaga oo la kulmay dhaleecayn xoogan sabab la Xidhiidh fursado uu khasaariyay.
Wuxuu u sheegay taageere waydiiyay”Yaad jeceshahay in aad ka garab ciyaarto Liverpool?.
Salah ayaa ku jawaabay”markii hore waxa uu ahaa Roberto Firmino Laakiin haatan Darwin Nunez”.
Be the first to comment