Kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa u soo baxday wareegga siddeed dhammaadka (Quarter-final) ee tartanka Champions League, kadib markii ay 4-0 kaga adkaatay kooxda Galatasaray ee Turkiga lugta labaad ee wareegga 16-ka.
Kulankii hore ee lagu ciyaaray dalka Turkiga toddobaad ka hor ayaa ku dhammaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa.
Salah oo saameyn weyn yeeshay
Xiddiga reer Hungary Dominik Szoboszlai ayaa furay goolasha Liverpool daqiiqaddii 25-aad, kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad xoog leh oo uu ka helay saaxiibkiis reer Argentina Alexis Mac Allister.
Goolka labaad waxaa dhaliyay xiddiga Faransiiska Hugo Ekitike daqiiqaddii 51-aad, kadib markii uu ka faa’iideystay baas uu siiyay xiddiga Masar Mohamed Salah.
Xiddiga reer Netherlands Ryan Gravenberch ayaa dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 53-aad, isagoo raacay kubad ka soo laabatay goolhayaha kadib darbo uu tuuray Salah.
Mohamed Salah ayaa isna dhaliyay goolkii ugu quruxda badnaa ciyaarta daqiiqaddii 62-aad, kadib markii uu kubadda ka qaatay dhinaca, isla markaana uu si farsamo leh ula ciyaaray Florian Wirtz, ka hor inta uusan si qurux badan shabaqa u gelin.
Ciyaartoyda kooxda Turkiga ayaa isku dayay inay helaan gool sharaf ah, balse dadaalkooda ma aysan guuleysan, waxaana ciyaarta ku dhammaatay guul weyn oo ay Liverpool gaartay iyo u soo bixitaan ay si buuxda u mutaysatay.
Liverpool waxay wareegga xiga (Quarter-final) la ciyaari doontaa kooxda Paris Saint-Germain, taasoo iyaduna ka soo gudubtay kooxda Chelsea.
Be the first to comment