Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Tottenham Hotspur oo ay afar gool iyo labo kaga badisay garoonka Anfield kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Dhibcaha Liverpool ayaa kor u kacday 78 dhibcood oo ay ugu jirto kaalinta 3-aad e kala saraynta premier League.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay kooxda Tottenham oo doonaysay in ay dhaliyaan goolka 1-aad ee ciyaarta, waxaana halistii ugu horaysay ee ciyaarta ku soo booday Mohamed Salah oo darbo xoogan ku tuuray birta goolka daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta, Christian Romero ayaa markaas kooxdiisa ka badbaadiyay fursad kadib salah markii uu laad xoogan ku laagay Goolka Tottenham.
Daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta Mohamed Salah ayaa ku daah furay gool madax ah oo cajiib ah kadib markii uu karoos ka helay Gakpo, wuxuuna Mohamed Salah ka qasaariyay fursad uu goolka labaad ku dhalin karay ka dib markii uu kaligiis u soo baxay goolka daqiiqadii 33-aad.
Daqiiqadii 38 aad Vicario ayaa darbo xoogan ka badbaadiyay Gakpo Halka Uu Diaz isku dayay in uu dhaliyo gool daqiiqadii 41-aad.
Liverpool ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Andy Roberton.
Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa si degdeg ah ku bilaabatay kooxda Liverpool,waxana ay ku guulaysatay in ay dhaliyaan goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.
Daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta ayaa Elliott uu dhaliyay goolkii 4-aad ee ciyaarta isaga oo kubad cajiib ah ku dhaliyay goolka.
Richarlison ayaa daqiiqadii 74-aad dhaliyay goolka 1-aad ee Tottenham ka hor inta uuna Son dhalin goolka 2-aad ee Tottenham.
Richarlison Ayaa fursado badan iska khasaariyay uu kooxdiisa ugu soo celin lahaa ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul muhiim ah.
Be the first to comment