Salah, Arnold Mise Van Dijk? Liverpool Oo Loo Sheegay Xiddiga Ay Tahay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixdaan.

Liverpool waa inay mudnaanta koowaad siiso in ay heshiis cusub ka saxiixato daafaca Virgil Van Dijk marka loo bar-bar dhigo xiddigaha Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold sida qabo Halyeeyga Reds ee Mark Lawrenson.

Lawrenson ayaa sheegay in van Dijk uu yahay shaqsi aad ugu fiican Liverpool, gudaha iyo dibadda garoonka. Lawrenson waxa uu ka garab ciyaaray Graeme Souness iyo Kenny Dalglish wakhtigii 1980-meeyadii waxana uu arki karaa in van Dijk uu yahay hogaamiye dabiici ah.

Qandaraaska Van Dijk wuxuu dhacayaa bisha July si la mid ah xiddigaha Salah iyo Alexander-Arnold – Lawrenson ayaana dareensan inuu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee ay tahay la ilaaliyo.

“Waxaan qabaa in ciyaaryahanka ugu muhiimsan seddexda ay Liverpool u baahan tahay inay heshiis cusub ka saxiixato waa Virgil Van Dijk”ayuu yidhi Lawrenson.

“Ma ahan kaliya awoodiisa ciyaareed, laakiin waxa uu kooxda ku siinayo qolka labiska iyo tayadiisa hogaamineed ee garoonka dhexdiisa”.

“Run ahaantii waxa uu maamulaa kooxdaas si weyn ayayna u tabi doonaan”, waxa aan aragnay sidii ay u dhibaatoodeen markii uu dhaawaca ku maqnaa, sidaas dartee iyaga ayay u fiicantahay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga