
xiddigii hore ee Liverpool Steve Nicol, ayaa soo jeediyay in mudnaanta la siiyo laba ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk marka laga hadlayo heshiiska cusub.
Qandaraaska haatan ee xiddiga Masar, Mohamed Salah, ee Liverpool, wuxuu dhacayaa xagaaga 2025, oo ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mohamed Salah ayaa wax yar ka hor sheegay in aysan jirin wax wada xaajood ah oo u dhaxeeya isaga iyo madaxda oo ku saabsan heshiiska cusub.
Isla sidaas oo kale xiddigaha Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskooda Liverpool.
Markii wax laga weydiiyay kala doorashada seddexda ciyaaryahan ee Liverpool isaga oo doortay laba xiddig oo uu jeclaan lahaa in ay kooxdu heshiis cusub ku abaalmariso.
Nicol ayaa ku yiri hadallo ay daabacday shabakadda English-ka ee “givemesport”: “Waxaad haysataa Mohamed Salah iyo Van Dijk, waxaanad haysataa beddelka Arnold ee Connor Bradley Isagu ma joogo heerka loo baahan yahay mustaqbalka ugu yaraan, laakiin waa daafac wanaagsan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Marka haddii Arnold uu baxo, waxaad heli doontaa beddel kale, sida iska cad waxaad raadin doontaa beddel wanaagsan.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Laakiin haa, hadii aan ilaashan karo laba ka mid ah 3-dooda Salah iyo Van Dijk ayaa ah kuwa aan sii haysan doono”.
Be the first to comment