
Garabka Arsenal, Bukayo Saka, ayaa ka hadlay rigooradii uu ka qaaday kulankii ay 2-0 kaga badiyeen West Ham, isagoo aan u dhiibin Viktor Gyokeres.
Gyokeres ayaa horey u qaaday rigoore xilli ciyaareedkan kulankii ay ka badiyeen Leeds United.
Si kastaba ha ahaatee, markii Jurrien Timber lagu galay qalad gudaha diilinta ganaaxa kulankii West Ham, Saka ayaa kubadda qaatay isaga oo gool u badalay rikoodhada.
Saka wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu horreeya ee qaada rigoorayaasha Arsenal xilli ciyaareedkii hore, balse sidoo kale wuxuu masuuliyadda la wadaagay ciyaartoy ay ka mid yihiin Martin Odegaard iyo Kai Havertz.
Markii la waydiiyay haddii ay jirto wax shaki ah oo ku saabsan cidda qaadaneysa rigoorada kulankii West Ham, Saka wuxuu yiri: “Maya, markii aan kubadda qaatay, aniga ayaa rabay inaan qaato, markaa taas ayaa maskaxdayda ku jirtay xilligaas, wada sheekaysigayaga gudaha kooxda ayaan iska hayn doonaa hadda, wax intaas ka badan ma oranayo!”
“Waxaan u maleynayaa in Viktor uu si aad ah u ciyaarayo – runtii si heer sare ah. Shaki kama jiro inuu goolal dhalin doon”
Be the first to comment