Saka: Ma Doonayo In Ay Real Madrid Samayso Halkan Arin Kulankeena.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa ka hadlay kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real Madrid kulan ka tirsan champions League.

Arsenal ayaa marti galin doonta Real Madrid fiidnimada lugta hore ee wareega 8 dhamaadka Champions League.

Bukayo Saka ayaa ka hadlay shirkiisa jaraa’id, wuxuuna yiri:“Real Madrid waxa ay ku fiicantahay soo laabashada laakiin waxan rajaynayaa in ayna sidaas samayn kulanka ay nala ciyaarayso”.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan u maleynayaa in dhammaan ciyaartoyda ay diiradda saarayaan guusha kulankaan, hadafkuna mar walba waa isku mid: inaan badino oo u soo baxno wareega xiga.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Kulankii ugu horeeyay ee Real Madrid ee tartanka champions League? Haa, waa habeen aad u fiican, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican tartanka, waana noocii aan waligay doonayay in aan ciyaaro”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga