Sadio Mane Oo Shaaciyay Qaabkii Uu Ciyaartoyada Senegal Ugu Qanciyay In Ay Ciyaarta Ku Soo Laabtaan Kulankii Final-ka Koobka Africa.

Xiddiga xulka Senegal ee Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu xiddigaha ay isku xulka yihiin ugu qanciyay in ay ku soo laabtaan garoonka si ay u dhamaystaan ciyaarta kadib murankii Final-ka Koobka Africa.

Kadib markii gool laga diiday xulka Senegal isla markaas rikoodhe loo dhigay xulka Morocco, tababaraha xulka Senegal ayaa ciyaartoyada xulkiisa ku amray in ay ka baxaan garoonka.

Laakiin waxa la arkay Sadio Mane oo si toos ah u galay qolka labiska isaga oo xiddigaha ay isku dalka yihiin ku qanciyay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

“Arrintu sahlanayn, illahay ayaa Mahad leh Alxamdulillaah wax walba dartood, maanta aad bay ii muhiim tahay. Waxaan qabaa dareenno is khilaafsan, balse waxaan qoray sheekadayda qaaradda Afrika.”

Isagoo ka hadlayay go’aanka ciyaartoyda iyo tababaraha ee ahaa inay ka baxaan ciyaarta, ayuu yiri:

“Ma aanan fahmin go’aanka kooxda ee ah inaan la dhammaystirin ciyaarta sababo la xiriira rigoore loo dhigay Morocco. Taasi aniga waxba iguma ahan, sababtoo ah waa in aan ciyaarnaa. Waa wax waalli ah in arrintaas ay dhacdo, maadaama dunida oo dhan ay na daawanaysay. Waxaan la hadlay tababaraha, waxaanan ku iri waa inaan ciyaarnaa, sidoo kalena waxaa la ii soo jeediyay talooyin ah in ciyaarta la sii wado.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga