
Arne Slot ayaa sameeyay wax aan cidna filayn waxana uu Liverpool ku hogaamiyay ku Guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.
Slot ayaa shaqo fiican qabtay isla markaas Horyaalka Premier League ku hogaamiyay kooxdiisa kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay Soo qaateen.
Xiddigaha Liverpool ayaa isku diyaarinaya in ay helaan bilaadda abaalmarinta Horyaalka Premier League.
Si kasta ha ahaatee waxa jiri doona xiddigo aan heli doonin billada ku Guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.
Kaliya 21 xiddig oo Liverpool ah ayaa heli doona Billada Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Shuruuda helista Billada Horyaalka Premier League ayaa ah in uu ciyaartoy kasta oo u baahan in uu helo abaalmarinta in uu ciyaaro ugu yaraan 5 kulan si ay u helaan Billada.
Xiddiga Federico Chiesa ayaa halis ugu Jira in uu seego Bilada Guulaysatah Premier League.
Xiddiga reer Italy ayaa kaliya ciyaaray 4 kulan waxana uu u baahanyahay kulan kale si uu u helo abaalmarinta.
Xiddigaha Vitezslav Jaros iyo Jayden Danns ayaa la hubaa in ay seegi doonaan abaalmarinta maadama ayna ciyaarin wax kulan ah.
Be the first to comment