Sababtii Loo Badalay Cole Palmer Kulankii Man United Oo La Ogaaday.

Cole Palmer ayaa mar kale ka dhaawacmay muruqa intii lagu jiray kulankii ay Chelsea la ciyaaraysay Man United sabtidii.

Chelsea waxaa lagu qasbay inay 10 ciyaartoy ku ciyaaraan kaliya shan daqiiqo kadib markii goolhaye Robert Sanchez laga aaray sabab la xidhiidha casaan uu qaatay.

Enzo Maresca ayaa soo geliyey goolhaye kaydka ah Filip Jorgensen si uu u beddelo Estevao, halka Tosin Adarabioyo uu beddelay Pedro Neto daqiiqad kadib.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa yaabay daqiiqadii 21aad markii Palmer laga beddelay laguna beddelay Andrey Santos.

Palmer ayuu shaki ku jiray taam ahaanshihiisa ka hor kulanka waxana uu mar kale ka dhaawacmay muruqa taas oo keentay in la badalo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga