Sida uu sheegay Paul Joyce oo ka tirsan wargeyska The Times, Liverpool marnaba ma qorsheynayn inay la saxiixdaan Marc Guehi iyadoo lagu saleynayo shuruudaha ay Man City u soo bandhigtay xiddiga.
Xiddiga xulka England ayaa la sheegayaa inuu Etihad ka qaadan doono £300,000 todobaadkii, mushahar taasoo isla markiiba ka dhigi lahayd mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan Liverpool.
Intaa waxaa dheer, Crystal Palace ayaa lagu wadaa inay hesho ugu yaraan £20 milyan oo ah lacagta iibka, marka lagu daro gunnooyin suurtagal ah.
Liverpool ma aysan qorsheyn kharash intaas le’eg bisha January, taasoo ka dhigan inaysan waligood la xiriirin Guehi si uu ugu soo biiro bishan.
Ciyaaryahanka 25-jirka ah ayaa horay u dhammeystay qeybta koowaad ee baaritaankiisa caafimaad (medical) ee Manchester City, kahor inta uusan qalinka ku duugin heshiiska kooxdiisa cusub.
Be the first to comment